Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo booqanaya gobolka Louisiana ee ay duufaantu ku dhufatay


Madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa inuu maanta booqdo gobolka Louisiana iyo gobolka kale ee deriska la ah ee Texas, halkaas oo ay duufaanta Laura uga tagtay khasaaro naf iyo maalba leh.

Trump ayaa wariyaasha u sheegay inuu mar ka fikiray joojinta munaasabaddii uu Khamiistii ku aqbalay musharraxnimadiisa xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota, sababo la xiriira duufaanta.

Duufaanta Laura ayaa hadda joogsatay, waxaana dadku ay bilaabeen in ay iska xaaqaan qashinka iyo burburka ay uga tagtay xaafadahooda, laakinn saraakiisha ayaa ka digaya in dadka aysan ku soo laaban deegaannada dhaca xeebaha Louisiana sababtoo ah waxa ay muddo todobaadyo ah wajihi karaan koronto la’aan xilli jawiga uu aad u kulul yahay hadda.

Duufaanta ayaa dishay ilaa 14 qof, kala bar waxay saraakiishu sheegeen in ay u dhinteen sunta carbon monoxide-ka ka dib markii ay shiteen matoorro aanan hagaagsaneyn.

XS
SM
MD
LG