Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisulwasaaraha Japan oo iscasilay


Ra’isulwasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in uu iska casilayo jagadiisa sababo caafimaad xumo awgeed, isaga oo soo afjaray muddo xileedkiisa oo ah ra'iisul wasaarihii ugu mudada dheeraa ee dalkaasi kuna dadaalay soo nooleeynta dhaqaalaha dalkaasi uuna riixay xoojinta awoodda ciidan ee Japan.

Iscasilaaddiisa lama filaanka ah ayaa horseedaysa dagaalka xubnaha xisbigiisa Liberal Democratic Party (LDP) ay toddobaadyada soo socda u gali doonaan buuxinta jagada ra’isulwasaarenimo. Qofka ku guuleysta jagadaasi ayay u badan tahay in uu sii ambaqaadi doono siyaasadaha Abe ee loo yaqaan “Abenomics” ee keentay natiijooyin isku dhafan ee dib u soo nooleynta dhaqaalaha saddexaad ee ugu weyn dunida.

Abe ayaa muddo sanado ah la dagaalamayay cudurka xiidmaha (ulcerative colitis), iyadoo laba booqasho oo uu toddobaad gudihiis ku tagay isbitaalka ay sababtay in su’aal laga keeno in uu xafiiska sii joogi karo ilaa iyo inta uu ka dhamaanayo muddo xileedkiisa oo ku eg bisha Sebtember ee sanadka danbe.

In kasta oo walaac qoto dheer laga qabo caafimaadkiisa, haddana warka iscasilaada Abe ayaa qalqal aad u weyn galiyay suuqyada maaliyadeed ee Tokyo.

“Ma sii wadi karo in aan sii ahaado ra'iisulwasaare haddii aanan haysan kalsooni aan ku qaban karo howsha ay muwaadiniintu ii igmaday,” ayuu Abe oo 65 jir ah ka sheegay shirka jaraa’id ee uu kaga dhawaaqayay iscasilaaddiisa.

Wuxuu sheegay in uu doonayo in uu ka fogaado faaruq siyaasadeed, xilli ay Japan la tacaalayso cudurka safmarka ah ee coronavirus. Tani ayaa ah markii labaad ee Abe uu iska casilo jagada ra’isalwasaarenimo sababo caafimaad darteed, iyadoo markii hore ay ahayd muddo toban sano ka hor ah.

Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Shigeru Ishiba iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Fumio Kishida ayaa si dhakhso ah u muujiyay in ay daneynayaan qabashada jagadan sare, sida ay warbaahintu warisay.

REUTERS

XS
SM
MD
LG