Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar: Madaxii Ikhwaanul-Muslimiin oo la xiray


Mas’uuliyiinta dalka Masar ayaa Jimcihii sheegay in ay xireen ku-simaha hogaamiyaha Ikhwaanul Muslimiin, Maxamud Ezzat, mar ay weerareen guri ku yaal Qaahira.

Xarigga ayaa ah dhabar jabkii ugu dambeeyay ee dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta ugu qadiimsan uguna abaabulan, kaasi oo lagu burburiyey olole xooggan oo ka dhan ah tan iyo markii xukunka laga tuuray toddobo sano kahor.

Ezzat ayaa ahaa nin saameyn ku leh hogamiyahii hore Ikhwaanul Muslimiin Mohamed Badie, waxaana gudaha dhaqdhaqaaqa looga arka nin ad-adag. Waxa uu noqday ku-simaha hogaamiyaha ka dib markii Badie la xiray bishii Ogosto ee 2013-kii.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu sheegay in Ezzat laga qabtay guri loo isticmaali jiray in uu ku dhuunto oo ku yaal degmada shanaad ee caasimadda Qaahira, waxaana lagu eedeeyay in uu ku biiray islamarkaana hoggaamiyay koox argagixiso ah uuna helay lacago sharci darro ah.

Mas'uuliyiinta Masar waxay ku eedeeyeen ururka Ikhwaanul-muslimiin in ay kordhisay howlgallada muqaawamada, eedeymahan oo uu ururku si weyn u beeniyay.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen qalab isgaarsiineed qarsoodi ah intii uu socday qabashadiisa, iyadoo sheegtay in Ezzat lagu tuhunsan yahay in uu kormeerayay dhowr dilal ama isku dayo dilal iyo sidoo kale qaraxyo tan iyo 2013-kii.

REUTERS

XS
SM
MD
LG