Dalkan Mareykanka xalay waxaa la soo gabagabeeyay shirwaynaha xisbiga Jamhuuriga ay ku taageerayaan musharaxooda xilka madaxweyne ee Donald Trump, kaas oo u xusul-duubaya in afar sano oo kale la doorto.
Madaxweyne Trump ayaa Aqalka Cad ka jeediyay qudbada shirka lagu soo xirayo, oo uu si weyn ugu weeraray murshaxa ay baratami doonaan 3da bisha November ee sanadkan ee xisbiga Dimuquraadiga, Joe Biden.
Waxaa kaloo xubnihii shirka xalay ka hadlay ka mid aheyd gabadha madaxweynaha Ivanka Trump, hoggaamiyaha aqlabiyadda Senate-ka Mitch McConnell iyo xubno kale.
Jamaal Axmed Cismaan oo arrimaha shirkaasi la socday ayaa warbixintan inooga diyaariyay.