Isku xirrada

War Deg-Deg ah

New Zealand: Xabsi daa'im lagu xukumay Brenton Tarrant


Garsoore u dhashay New Zealand ayaa Khamiista maanta ah xukun xabsi daa’im oo aan cafis laheyn ku riday ninka caddaanka ah, Brenton Tarrant, kaasi oo 51 qof oo Muslimiin ah oo cibaadeysanayay ku toogtay dalkaasi taasi oo ahayd toogashadii ugu dhimashada badneyd ee New Zealand.

Waa markii ugu horreysay ee maxkamad ku taal New Zealand ay xukun xabsi daa’im ah ku riddo qof inta noloshooda ka harsan.

Tarrant, oo ah 29 sano jir u dhashay Australia ayaa qirtay 51 dambi oo dil ah, 40 dacwadood oo isku day dil iyo hal eedeyn oo ah inuu galay fal argaggixisinimo intii uu ku guda jiray toogashadii 2019-kii ka dhacday laba masaajid oo ku yaal magaalada Christchurch isagoo toogashada si toos ah uga baahinayay Facebook.

Warbixintan waxaa magaalada Melbourne ee dalka Australia ka soo diray wariyaha VOA, Ibrahim Cumar Baafo.

Xabsi daa'im lagu riday ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:27 0:00


XS
SM
MD
LG