Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand oo maanta la xakumayo


Waxaa hadda socota dhageysiga maxamadeyntii ugu danbeysay ee ninka caddaanka ah ee sanadkii hore Muslimiinta ku laayay dalka New Zealand.

Ninkaan ayaa 51 qof oo Muslimiin ahaa ku dilay laba masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand sannadkii hore ee 2019-kii.

Garsooraha maxkamadda ayaa dhageystay maanta oo Khamiis ah, dacwad-oogaha maxkamadda sare iyo qareenka difaaayay eedeysanaha. Waxaa la filayaa in maanta lagu xakumo xabsi daa'im.

Haddaba wararkii ugu danbeeyay waxaa dalka Australia nooga soo diray wariyaheenna, Ibrahim Cumar Baafo.

Halkaan ka dhageyso warbixinta
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:51 0:00


XS
SM
MD
LG