WASHINGTON. D.C —
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa muddo 30 maalin ah ku daray bandowga lagula dagaallamayo faafista cudursidaha coronavirus ee saraan guud ahaan waddanka Keneya.
Khudbad laga baahiyay telefishanka maanta oo Arbaca ah, ayuu madaxweyne Kenyatta ku sheegay, in cudurka ka yaraaday magaalooyinka balse uu ku baahayo hadda tuulooyinka iyo dhulka baadiyaha ee ka baxsan magaalooyinka.
Wuxuu amray in muddo bil ah la xiro baararka iyo kalaabyada lagu caweeyo, laakin wuxu kordhiyay dadka ka qeybgali karo xafladaha arooska munaasabadaha aaska.
Waqtil-xaadirkaan, kiisaska la xiriira coronavirus ee dalka Kenya ayaa gaartay 33,016, halka dhimashadu ay mareyso 564.