WASHINGTON. D.C —
Waxaa maanta lasoo gabagabeeyay dhageysiga dacwado loo heysto Brenton Tarrant, oo ah nin caddaan ah oo sannadki hore 51 qof oo Muslimiin ah ku laayay, laba masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee Dalka NewZealand.
Ninkaan ayaa lagu wadaa in maalinta berrito ah lagu xakumo xabsi daa'in aanan kasoo noqosho laheyn. Warbixintaan waxaa magaalada Melbourne ee dalka Australia kasoo diray, wariyaha VOA-da Ibrahim Cumar Baafo.