Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Marwada 1-aad oo ka khudbeysay Shirweynaha Jamhuuriga


Melanie Trump
Melanie Trump

Marwada koowaad ee Mareykanka, Melania Trump ayaa muujisay sida ay uga xun tahay boqolaalka kun ee Ameerikaanka ah ee uu saameeyey cudurka safmarka ah ee coronavirus, kaddib khudbad ay xalay ka jeedisay Shirweynnaha Xisbiga Jamhuuriga

Hadalkaan ayaa ah mid ka duwan tan hadallada seygeeda, Madaxweyne Donald Trump, oo inta badan wax yar ka soo qaada saameynta cudurka kuna sheega mid baaba’aya.

“Illaa iyo bishii Maarso, nolosheenna si weyn ayaa loo beddelay, ”ayay marwada koowaad ku tiri khudbad fiidnimadii xalay ay jeedisay iyadoo ku sugan beerta dhowaan dib loo habeeyay ee Rose Garden ee ku taalla Aqalka Cad. “Waxaan tacsi u dirayaa qof kasta oo uu ka dhintay qof uu jecel yahay. Waxaan u duceynayaa kuwa buka ama dhibaatoonaya,” ayay hadalkeeda sii raacisay.

“Waan ogahay in dad badan ay walwalsan yihiin qaarna ay dareemayaan caawimaad la’aan. Waxaan doonayaa in aad ogaataan inaydnaan taa kali ku aheyn.”

Khudbadda Marwada koowaad ayaa ka duwanayd khudbado siyaasadeed oo kulkululaa, kuwaasoo laga jeediyay Shirweynaha Jamhuuriyiinta labadi cisho ee lasoo dhaafay.

Shirweynaha Jamuuriga oo lasoo xiri doono habeen danbe oo Khamiis ah ayay taageerayaasha madaxweyne Trump si adag u weerareen ninka la tartamaya ee Dimuqraadiga ka soo baxay Joe Biden halka ay amaaneen sida uu Trump u maareynayo cudurka coronavirus iyo saamaynta ba'an ee uu ku yeeshay dhaqaallaha.

Afada madaxweynaha ayaa soo hadal qaadday sida ay Mareykanka ky timid, kaddib marki ay kasoo haajisrtay waddanka Slovenia iyadoo 26 jir ah, ugu dambeyntiina qaadatay dhalashada Mareykanka.

Melania Trump ayaa laga yaabaa in ay saameyso dad badan oo ka jeestay siyaasadaha seygeeda ee ku wajahan soogalootiga aan sharciga laheyn.

XS
SM
MD
LG