Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mike Pompeo oo booqasho ku tagay Sudan


Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa gaaray dalka Sudan ka dib markii uu duulimaad aan joogsi lahayn Talaadada maanta ah kaga kicitimay Israel, isaga oo sheegay in uu yahay duulimaadkii ugu horreeyay ee toos ah islamarkaana rasmi ah oo isaga kala goosha labada dal, xilli uu Mareykanku dhiirrigelinayo xiriir adag oo dhexmara Sudan iyo Israel.

Booqashadiisa ayaa qeyb ka ah socdaal heer gobol ah ka dib markii ay bishan Israel iyo Imaaraatka Carabta ku dhawaaqeen in ay galeen heshiis ay xiriir diblumaasiyadeed dhameystiran ku sameysanayaan, waxaana uu socdaalkani ku soo beegmayaa iyadoo Israel iyo Mareykanku ay ku riixayaan waddamo badan oo Carbeed in ay raacaan tallaabadaasi.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo in aan saarannahay duulimaadkii u horreeyey ee aan joogsi laheyn 'NONSTOP' ee si rasmi ah uga duula Israel kuna socda Sudan!” ayuu Pompeo ku qoray boggiisa Twitter-ka ka dib markii uu ka anbabaxay Tel Aviv.

Pompeo ayaa la kulmi doona ra’iisulwasaaraha Sudan iyo madaxa golaha militariga ee xukunka haya inta uu ku sugan yahay Khartoum si uu ugala hadlo taageerada Mareykanka ee ku aadan dowlad rayid ah oo dalka hogaamisa iyo “sii xoojinta xiriirka Sudan iyo Israel,” sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibada Mareykanka.

Mareykanka ayaa ku jiray tallaabooyin dib loogu soo celinayo xiriirkii kala dhexeeyey Sudan, ka dib markii bishii April ee 2019-kii xukunka laga eryay hogaamiyihii dalkaasi Cumar Xassan Al-Bashiir, iyadoo wadda dadaalo Sudan looga saarayo liiska dalalka ay Washington u aragto in taageero u fidiyaan argagixsada.

Mar la weydiiyay haddii lagu dhawaaqi doono tallaabooyin cusub sida in Sudan ay caadi ka dhigto xiriirkeeda Israel ama in Mareykanku uu ka qaadayo cunnaqabateynta saaran Sudan ayuu sarkaal Mareykan ah oo safarka ku wehliya Pompeo waxa uu yiri: “waa macquul in taariikh dheeri ah la sameeyo.”

Sarkaalka ayaa sheegay in Sudan ay soo bandhigtay duulimaadka toos ah, iyada oo meesha ka saareysa shuruudihii ahaa "in duullimaadka noocan oo kale ah uu ku soo hakado meel kale".

Bishii February, madaxa golaha xukunka haya Gen. Abdel Fattah al-Burhan ayaa dalka Uganda kula kulmay Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, laakiin wuxuu shaki geliyay arrin kasta oo deg deg ah oo xiriirka labada dal caadi loogu soo celinayo.

Sudan ayaa 19-kii bishan August ku dhawaaqday in ay shaqadii ka ceyrisay afhayeenkeedii wasaaradda arrimaha dibadda ka dib markii uu ugu yeeray go'aankii ay Imaaraatku ku noqdeen waddankii saddexaad ee Carbeed ee caadiyeeya xiriirkooda Israel "tallaabo geesinimo leh".

REUTERS

XS
SM
MD
LG