Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baaris: Laba gantaal ayaa lagu dhuftay dayaaraddii Ukraine ee Iran ku dhacdey


Baaris lagu sameeyay sanduuqyada madow ee diyaaraddii rakaabka ee laga lahaa Ukraine ayaa muujinaya in laba gantaal ay ku dheceen, kuwaasi oo ay u dhaxaysay ilaa 25 ilbiriqsi, waxaana la ogaaday in rakaabku ay wali noolaayeen ka dib qarixii koowaad, sidaasina waxaa Axadda maanta ah sheegtay dowladda Iran.

Hadalkan oo ka soo yeeray madaxa duulimaadyada rayidka ee Iran ayaa ah warbixintii ugu horreysay ee rasmi ah oo ku saabsan codka, qeybta koontoroolka diyaaradda, iyo xogta la duubay, kuwaasi oo bishii July loo diray Faransiiska si loo darso.

Tehran ayaa sheegtay in ay si aan ku tala gal aheyn uuu dhacay weeararkaasi dayaaradda ee lala eegtay diyaaraddan rakaab ee laga lahaa Ukraine bishii January ee sanadkan, xilli xiisado aad u kulul ay kala dhaxeeysay Mareykanka. Dhammaan 176 kii qof ee saarnaa diyaaradda ayaa dhintay.

XS
SM
MD
LG