Isku xirrada

War Deg-Deg ah

TikTok oo dacweyneysa maamulka Trump


Shirkadda dhinaca warbaahinta bulshada ee TikTok ayaa Sabtidii sheegtay in ay maxkamad ka dacweyn doonto maamulka Trump cadaadiska ay ku hayaan app-kan Shiinaha laga leeyahay ee sida weyn loo isticmaalo, kaasi oo Washington ay ku eedeysay in uu khatar ku yahay amniga qaran.

Xilli ay xiisadda u dhexeeysa labada dal ee ugu dhaqaalaha badan adduunka sii kordheyso, ayaa madaxweyne Donald Trump waxa uu 6-dii bishan saxiixay amar fulin ah oo lagu siiyay dadka Mareykanka ah 45 maalmood in ay ku joojiyaan in ay ganacsi la yeeshaan shirkadda BayteDance ee Shiinaha taasi oo iska leh app-ka TikTok.

“Si loo hubiyo in aan sharciga la baalmarin, iyo in shirkaddeena iyo isticmaaleyaasheennaba loola dhaqmo si caddaalad ah, ma lihin ikhtiyaar aan ka ahayn in aan ka doodno amarka fulinta iyada oo loo marayo nidaamka garsoorka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay TikTok.

ByteDance ayaa qoraal ay iyana soo saartay ku sheegtay in dacwadda ay gudbin doonaan maalinta berri ee Isniinta ah.

XS
SM
MD
LG