Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciraaq: Mareykanka oo saldhig ciidan ku wareejiyay ciidamada Ciraaq


Ciidamada isbahaysiga caalamiga ah ee uu hoggaamiyo Mareykanka ayaa Axadda maanta ah ka baxay saldhigga millatariga ee Taji ee Ciraaq waxayna ku wareejiyeen ciidamada amniga ee dalkaasi, wakaaladda Reuters ayaa ka soo xigatay goobjoogayaal iyo isbahaysiga.

Saldhigga, oo 20-kilometer (12 mayl) waqooyiga ka xiga caasimadda Baghdad, ayaa ahaa goob ay weeraro gantaallo oo joogta ah ka geystaanmalayshiyaadka ay taageerto Iran oo bilihii la soo dhaafay bartilmaameedsanayay ciidamada uu Mareykanka hogaamiyo.

"Dhaqdhaqaaqyada askarta milatariga ee isbahaysiga waxa uu qayb ka yahay qorshe fog oo aan iskaashi kala leennahay dowladda Ciraaq," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay isbahaysiga. Qoraalka ayaa intaa ku daray in saldhigga Taji ay ku sugnaayeen ila 2,000 oo askari oo ka tirsan cidamada isbahaysiga kuwaasi oo intooda badan ka baxay halkaasi xagaagan.

Isbahaysiga ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada isbahaysiga ee wali sii jooga saldhigga Taji ayaa ka bixi doona halkaasi maalmaha soo socda ka dib marka ay soo gabagabeeyeen wareejinta qalab ciidan oo ay ku wareejinayaan ciidamada ammaanka Ciraaq.

Tani ayaa ah wareejintii 8-aad ee saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada isbahaysiga kaasi oo gacan ku heyntiisa loo celiyo ciidamada Ciraaq.

Ka bixitaanka ayaa yimid maalmo uun ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu dib u soo cusbooneysiiyay ballan-qaadkiisiiahaa in meesha laga saaro ciidammada tirada yar ee Mareykanka ee weli ku sugan waddankaasi.

Mareykanka ayaa waxaa Ciraaq ka joogay ku dhawaad 5,000 oo askari oo ku sugan saldhigyada dalkaasi, iyadoo ciidamada isbahaysiguna ay gaarayaan ilaa 2,500 oo askari.

XS
SM
MD
LG