Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xabad-joojin looga dhawaaqay Libya


Lixda xubnood ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ayaa soo dhoweeyay xabbad-joojinta lagaga dhawaaqay Libya, sida ay Sabtida maanta ah daabacday wakaaladda wararka u faafisa Imaaraatka Carabta ee WAM.

Xoghayaha Guud ee GCC, Nayef Falah Mubarak al-Hajraf, ayaa ugu yeeray dhammaan dhinacyada "in ay u hoggaansamaan tallaabadan wax ku ool ah, in ay si deg deg ah u yeeshaan wadahadallo siyaasadeed, iyo in ay ku shaqeeyaan dhexdhexaadinta Qaramada Midoobay si xal joogto ah oo dhameystiran looga gaaro soo afjarista dagaalka iyo iskahorimaadka ka socda Libya,” WAM ayaa werisay.

Dowlada Libya ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli ayaa Jimcihii ku dhawaaqday xabbad joojin ka hirgasha dalkan qaniga ku ah saliidda, iyadoo ku baaqday in magaalada istraatiijiga ah ee Sirte ay noqoto goob ka caaggan militariga, waxaana baaqan soo dhoweeyey hogaamiyaha baarlamaanka bariga ee ay ishayaan dowladda Libya kaasi oo sidoo kale codsaday in la joojiyo colaadda.

Arrintan ayaa ah tallaabo hore loo qaaday kadib cadaadis caalami ah xilli ay jirto cabsi sii kordhaysa oo laga qabo dagaal cusub oo ka qarxo magaalada Sirte. Aagga xarumaha waaweyn ee dhoofinta saliidda ee Libya ayaa waxaa ilaa bishii January gacanta ku hayay ciidamo daacad u ah taliyaha millatariga bariga Khalifa Hifter.

Libya ayaa ku jirtay rabshadaha illaa 2011-kii markaasi oo kacdoon ay taageereen xulufada NATO xukunka looga tuuray kaligii taliyihii mudada dheer xukunka hayey Moammar Gadhafi, kaasi oo markii dambena la dilay. Wadanka ayaa u kala jabay laba maamul oo iska soo hor-jeeda oo kala fadhiya bariga iyo galbeedka, mid walbana waxaa taageera kooxo hubeysan iyo dowlado shisheeye.

Qalalaasaha ayaa sii xumaaday bilihii la soo dhaafay iyadoo dowladaha shisheeye ee kala taageera dhinacyada Libya ay sii kordhiyeen faragelinta, in kastoo ay ballan qaadeen ineysan faragelin doonin arrimaha Libya intii uu socday shir nabadeed heer sare ahaa oo horaantii sanadkan ka dhacay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Kummanaan calooshood u shaqeystayaal ah oo ay ku jiraan kuwa u kala dhashay Ruushka, Syria iyo Sudan ayaa ka barbar dagaalamaya labada dhinac ee ishaya.

Hafter, oo xulufada la ah baarlamaanka bariga Libya, waxaa taageera dowladaha Masar, Imaaraadka Carabta iyo Ruushka. Ciidamada daacadda u ah dowladda uu caalamku aqqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli ayaa waxaa iyana taageera Turkiga, oo xafiiltan qaraar uu kala dhexeeyo dalalka Masar iyo Imaaraadka. Waxaa sidoo kale ay dowladda Tripoli taageero ka heshaa dowladda qaniga ah ee Qadar.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG