Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Waa in la xoojiyaa baadi-goobka doonyaha tahriibayaasha sida ee dega


Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la xoojiyo hawlaha baadi goobka iyo gurmadka ee la xidhiidha doonyaha sida qaxootiga iyo tahriibayaasha ee ku dega badda Mediterranean.

Arrintan ayaa daba socota ka dib markii dhawaan uu degay markab siday dad u tahriibaya qaaradda Yurub, kaas oo ay ku dhinteen 45 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan 5 carruur ah.

Markabkan oo ay saarnaayeen 80 qof ayaa degay 17-kii bishan August ka dib markii uu matoorka qarxay. Markabka ayaa ku degay meel u dhow xeebta Zuwaara ee galbeedka Liibiya.

Tirada dadka la soo badbaadiyay ayaa ah 37 qof oo ay u gurmadeen kalluumaysato ku sugnaa xeebta.

Dhammaan dadka la soo badbaadiyay ayaa xabsi loo gudbiyay.

XS
SM
MD
LG