Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Joe Biden oo si rasmi ah loogu caleema saaray musharraxnimada


Joe Biden iyo xaaskiisa Jill Biden
Joe Biden iyo xaaskiisa Jill Biden

Xisbiga dimoqraadiga ayaa xalay si rasmi ah uga dhawaaqay, in Joe Biden uu yahay musharraxooda doorashada madaxtinmada Mareykanka ee dhici doonta 3-da bisha November.

Xisbiga dimoqraadiga ayaa musharraxnimada Biden uga dhawaaqay habeenki labaad shirweynahooda oo sannadkaan marki ugu horreysay ay ergada uga qeybgaleyso hab maqal iyo muuqaal ah oo internerka lasoo dhexmarsiinayo, sababo la xiriira coronavirs.

Dadki shirka xalay ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa, Jill Biden oo ah marwada Joe Biden.

Dadka kale ee magaca ku dhex lex xisbiga dimoqraadigga ee shirweynaha ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa, madaxweynayaashi hore ee Mareykanka Jimy Carter iyo Bill Clinton, Alexandria Ocasio Cortez oo ah xildhibaanad saameyn leh oo ka tirsan aqalka wakiilada lagana soo doorto New York, iyo John Cary xoghayihi hore ee arrimaha dibadda Mareykanka.

Sahra Ciidle Nuur ayaa inoo faahfaahineysa warbixin arrintan la xiriirta.

Dhageyso Biden oo loo xushey tartanka madaxtinnimada Mareykanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:00 0:00


XS
SM
MD
LG