Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Mali oo is-casilay


Madaxweyne Keita
Madaxweyne Keita

Madaxweynaha dalka Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa xalay saqdi dhexe ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka, kaddibna kala diray baarlamaanka, saacado kaddib marki ay ciidamo ka tirsan millatariga oo fallaagoobay xireen isaga iyo Ra’isulwasaare Boubou Cisse.

Keita oo xirnaa marada afka lagu daboolo daal bandanna uu ka muuqday, ayaa is casilaaddiisa uga dhawaaqay khudbad gaaban oo uu ka jeediyay telafishanka qaranka isaga oo jooa xero millatari oo ku taalla deegaanka Kati oo 15 km u jira magaalada madaxda.

Kacdoon isla xerada Kati ka dhacay sannadki 2012-ki ayaa u xuub-siibtay afganbi ay millatariga ku rideen madaxweynihi hore ee Mali Amadou Toumani Toure.

Faransiiska oo gumeystay Mali iyo dalalka kale ee xiriirka dhaw la leh Mali ayaa ka cabsi qaba, in afganbi lagu sameeyo Keita ay uga sii dari karto colaadda hadda ka oogan Mali.

Midowga Africa iyo Qaraada Midoobay ayaa cambaareeyay xariga ay milatariga u geysteen madaxda dowladda Mali, iyaga oo amray in si deg deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo madaxweynne Mali Ibrahim Boubacar Keita iyo Ra’isulwasaare Boubou Cisse.

XS
SM
MD
LG