Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka oo dib u billaabaya howl-gallo


Kuuriyada Koofureed iyo Mareykanka ayaa Talaadada bilaabaya howlgallada sanadlaha ah ee sida wadajirka ah ay u qabtaan ciidamada militariga ee labada dal, taasi oo warbaahinta maxalliga ah ay ku waramayso in ay dib uga dhacday laba maalmood ah xilligii la qorsheeyey ka dib markii sarkaal u dhashay Kuuriyada Koonfureed laga helay cudurka COVID-19.

Tababarkan ayaa bilaabmi doonta Talaadada, "iyada oo maanka lagu hayo xaaladda COVID-19," ayuu Axadda maanta ah yiri Taliyaha guud ee Ciidamada Kuuriyada Koonfureed.

Tababarka, oo qorshuhu ahaa in la bilaabo maanta oo Axad ah, ayaa dib loo riixay ka dib tijaabo caafimaad oo Jimcihii lagu sameeyay sarkaal ka tirsan ciidamada, kaas oo qayb ka noqon lahaa tababarka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Yonhap.

Tababbarkan isku dhafka ah ayaa waxaa si dhow isha ugu haysa Kuuriyada Woqooyi, oo ugu yeerta inuu yahay "u diyaargarow dagaal."

Sanadihii u danbeeyey ayaa la yareeyay tababarradan wadajirka ah si ay taasi u fududeeyso wadahadallada Mareykanka ee looga dan leeyahay in lagu baabi'iyo barnaamijyada nukliyeerka ee Pyongyang.

XS
SM
MD
LG