Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Trump oo walaalkiis dhintay


Madaxweyne Donald Trump walaalkiisa ka yar, Robert Trump, oo ahaa ganacsade caan ahaa ayaa habeenkii Sabtida dhintay dib markii la dhigay cusbitaal ku yaal magaalada New York, waxaa sidaasi sheegay madaxweynaha. Robert Trump ayaa ahaa 71 jir.

Madaxweynaha ayaa Jimcihii walaalkiis ku booqday cisbitaal New York kadib markii masuuliyiinta Aqalka Cad ay sheegeen in uu si xun u xanuunsaday.

Robert Trump oo ahaa kan ugu yar walaalaha Trump ayaa si aad ah ugu dhowaa madaxweyne Trump oo 74-jirka ah, waxaana uu bishii June gudbiyay dacwad markii danbe guuldareysatay oo uu ku doonayay joojinta buug ay qortay gabadha uu madaxweynuhu adeerka u yahay ee Mary.

XS
SM
MD
LG