Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo duqeyn ku billowdey Gaza


Ciidamada Israel ayaa Axadda maanta ah bilaabay duqeymo cusub oo dhanka cirka ah oo ay ku weerarayaan fariisimaha kooxda Xamaas ee marinka Gaza, waxayna xireen aagga kaluumeysiga ee kuyaala xuduudda Falastiin iyadoo taa lagaga jawaabayo gantaalo iyo qaraxyada lagu weeraro dhanka Israel.

Tallaabadan ayaa timid ka dib toddobaadyo ay xiisaduhu kacsanaayeen, oo ay ka mid tahay isku dhacyo fiidnimadii Sabtidii ka dhacay xadka Gaza iyo Israa’iil, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamadu.

Daraasiin Falastiiniyiin ah ayaa "gubay taayirro, waxay ku tuureen walxaha qarxa iyo bam-gacmeedyo xayndaabka amniga, iyagoo isku dayeen in ay usoo dhawaadaan," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay ciidamada difaaca Israail.

Dhinaca kale, khadadka taleefannada ee u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Israel ayaa la furay Axadda maanta ah, sida uu caddeynayo wicitaan ay sameeyeen wariyeyaal ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters, waxaana arrintani ay timid ka dib markii labada dal ay asbuucii hore u dhaqaaqeen sidii ay caadi uga dhigi lahaayeen xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Ma cadda goorta la fasaxay wicitaanka telfoonnada ee laga diro Imaaraatka loona diro Israel, laakinse taariikh ahaan is-wicitaanka labada dal ayaa ahaan jiray mid xanniban.

Hay'adda Maamulka Isgaarsiinta ee UAE ayaan ka jawaabin codsi ah in ay faahfahin arrintan ka bixiso.

Website-yo badan oo Israa’iil laga leeyahay oo hore looga xayiray gudaha Imaaraatka ayaa sidoo kale hadda awood u leh in laga daalacan karo shabakadaha internetka ee Imaaraatka.

Israel iyo UAE ayaa Khamiistii ku dhawaaqay heshiis horseedi doona in si buuxda loo unko xiriir diblumaasiyadeed dhameystiran oo dhexmara labada dawladood, taas oo ka dhigaysa Imaaraadku in uu noqdo dalka sedexaad ee Carbeed ee tallaabadaasi qaada.

Dhanka kale, Wargeyska Al-Qabas ee ka soo baxa Kuwait ayaa ka soo xigtay ilo ka tirsan dowladda dalkaasi in mowqifka Kuwait ee ku aaddan Israel uusan waxba iska bedelin kadib markii ay Israel heshiis la gaartay Isutagga Imaaraatka Carabta, waxaana jariidaddu ay sheegtay in Kuwait ay noqonayso wadanka ugu dambeeya ee hagaajiya xiriirkaasi.

Falastiiniyiinta ayaa dhalleeceyay heshiiska Israel iyo UAE, halka Sacuudiga iyo Qadar ay ka aamuseen.

Wadamada kale ee Khaliijka sida Cumaan iyo Baxrayn ayaa bogaadiyey heshiiska.

XS
SM
MD
LG