Barnaamijka Martida Mikrafoonka ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay Dowrka hay’adaha aan dowliga aheyn ee kaalmeynta dadka ay abaaraha iyo daadadku saameeyaan ee gudaha Soomaaliya.
Barnaamijka waxaa marti ku ah Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ah madaxa Hormuud Salaama Foundation oo isagu haatan ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Barnaamijka waxaa soo saaray halkanna ka soo jeedinaya Ridwaan Xaaji Cabdiweli.