Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sidee loo arkay guulaha Soomaalida ee doorashooyinkii Minnesota?


Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa habeen hore mar kale ku guulaysatay musharraxnimada xisbiga Diqmoraadiga ee doorashada dhici doonta bisha November ee dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar ayaa hadda u muuqata inay kursigeeda xaafadda 5-aad ee Minnesota sii haysan doonto, maadaama degmadan ay tahay mid xisbigeeda uu aad ugu xooggan yahay.

Dhinaca kale waxaa isna musharraxnimada xibsiga Dimoqraadiga ku guulaystay Cumar Faatax oo u tartamaya Aqalka Sanate-ka ee Gobolka Minnesota.

Haddaba doorashadaas iyo sida ay dadka Soomaalida ah u arkeen waxaa warbixintan nooga soo diray Maxamuud Mascadde.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:38 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG