Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ilhaan Cumar oo ku guuleysatay doorasho adag


Ilhaan Cumar
Ilhaan Cumar

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa uga adkaatay Antone Melton-meaux doorashooyinka horudhaca ahaa ee ay ku kala harayeen xubnaha xisbiga dimoqraadiga ee doonaya in loo doorto Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Ilhaan Cumar ayaa bisha November la tartami doonta tartamaha xisbiga Jamhuuriga, ayada oo ay u badan tahay in dib loo doorto, sababtoo ah deegaan doorashadan ayaa waxaa aad ugu xooggan xisbiga Dimoqraadiga.

Tartanka Ilhaan ay gashay ayaa ahaa mid ka mid ah kuwii ugu adkaan tartamada is-reebka ee Aqalka Congress-ka, ayada oo lacag badan oo malaayin dollar ah ay ku baxday.

Dhinaca kale, Cumar Faatax oo ah nin dhalinyaro ah ayaa ku guuleystay kursi ah Aqalka Senate-ka ee gobolka Minnesota.

Wali waxaa la sugayaa oo aan la shaacin natiijada xaafadda 6-aad ee golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis oo 7 qof oo Soomaali ah iyo 4 qof oo kale ay ku tartamayeen.

Faahfaahinta doorashooyinka ayaa Maxamed Cabdi Sandhere uu ka wareystay wariyaha VOA-da ee Minnesota Maxmuud Mascadde.

Dhageyso Doorashooyinka Minnesota
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:59 0:00


XS
SM
MD
LG