Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Caqabad cusub oo soo wajahday wada-hadalladii xiisadda Nile


Masar ayaa Talaadadii ku baaqday in la joojiyo wada-hadallada ay Ethiopia kala leedahay biyo-xireenka weyn ee Addis-Ababa ay ka sameyneyso webiga Nile.

Sudan ayaa ku hanjabtay inay wada-hadallada ka baxeyso ayada oo sheegtay in Ethiopia ay ku adkeysatay inay wada-hadallada ku xirtay in dib looga xaajoodo heshiis ku saabsan wadaagga biyaha webiga Nile ee Bulugga.

Wada-hadallada ayaa markii hore ku saabsanaa oo kaliya buuxinta biyo-xireenka.

Wasiirka Biyaha iyo Waraabka Sudan, Yasser Abbas ayaa sheegay inuu dhiggiisa Ethiopia ka helay warqad uu kusoo jeedinayo “in heshiiska laga wada-xaajoonayo uu ku koobnaado buuxinta biyo-xireenka iyo heshiis kasta oo quseeya maamulka la xiriria saami wadaagga biyaha Nile.”

Masar iyo Sudan ayaa adeegsaday “xuquuq taariikhi ah” oo la xiriirta webiga oo ay u damaanad qaadeen axdiyo la saxiixay 1929-kii iyo 1959-kii.

Hase yeeshee Ethiopia ayaa adeegsata heshiis ay 2010 la gashay lix ka mid ah dalalka uu webiga maro, heshiiskaas oo ay qaadaceen Masar iyo Sudan.

“Tani waa isbedel ku yimid mowqifka Ethiopia, wuxuuna helis gelinayaa wada-hadallada, Sudan kama qeyb-galeyso wada-xaajood kasta oo ku saabsan saami qeybsga biyaha Nile,” ayuu yiri Wasiirka Biyaha iyo Waraabka Sudan, Yasser Abbas.

Wasaaradda Biyaha Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Ethiopia ay soo bandhigtay heshiis aanu qeyb ka aheyn habka looga howlgalayo biyo xireenka iyo sharciyadda ku hareereysan.

Waxay sidoo kale ku eedeysay Addis Ababa inaysan diyaar u aheyn in murankan la xaliyo.

“Masar iyo Sudan waxay dalbanayaan in kulamada la hakiyo, si ay wadatashi uga soo sameeyaan hindisaha Ethiopia,” ayaa lagu yiri bayaanka Masar.

AFP

XS
SM
MD
LG