Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Weerar dad badan lagu laayey oo lagu qaaday xabsi


Afghanistan
Afghanistan

Dagaal ayaa ka sii socday maanta oo Isniinta magaalada Jalalabad ee bariga Afghanistan kaasi oo ku bilowday ka dib markii fiidnimadii habeenkii Axadda la weeraray xabsi ku yaalla halkaasi.

Ugu yaraan 21 qof, oo ay ku jiraan maxaabiis, ayaa lagu dilay, halka ku dhawaad 50 kalana la dhaawacay, sida uu sheegayo Ataullah Khogyani oo ah afhayeenka xukuumadda gobolka Nangarhar.

Weerarka ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Daacish oo warbaahinteeda Amaq ku sheegtay inuu ku bilowday gaari walxaha qarxa ay ka buuxeen ka dibna ay dabley hubeysan gudaha u galeen xabsiga.

Khogyani ayaa sheegay in ciidamada amniga ay dib u xireen ku dhawaad 700 oo maxaabiis ah kuwaasi oo isku dayay in ay baxadaan, laakiin ma uusan xusin haddii ay jiraan maxaabiis ku guuleystay in ay cararaan.

Wuxuu kaloo xaqiijiyay in ugu yaraan saddex weeraryahan la diley laakiin dhowr kale ay wali ku jiraan gudaha xabsiga ama dhismayaal ka agdhow halkaasna ay ka sii wadeen dagaalka ay isaga caabinayaan ciidamada amniga.

Sida ay ku waramayaan saraakiisha gobolka, xabsiga ayaa waxaa ku xirnaa in ka badan 1,500 oo maxbuus xilliga uu weerarku bilowday.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgalkoodu uu si gaabis ah u socdo si waxyeelo looga ilaaliyo shacabka ku dhaqan deegaanka.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in meydadka iyo dhaawacyadaba la geeyay isbitaalka gobolka Nangarhar.

XS
SM
MD
LG