Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkado Soomaali ah oo cabasho ka muujiyey go'aan kasoo baxay Kenya


Dowladda Kenya ayaa shalay dib u fasaxday duulimaadyadii diyaaradaha caalamga ee ka bixi jiray dalkeeda iyo kuwii imaan jiray, kuwaasoo ay u ogalaatay in diyaaraduhu ay u duuli karaan dadkana ay u kala daabuli karaan ilaa 30 dal oo adduunka ka tirsan.

Wadamada ay Kenya saartay xayiraadda dhanka duulimaadyada diyaaradaha waxaa ka mid ah Soomaaliya kaasoo wali diyaaradahii aadi jiray aysan u fasixin inay u safri karaan oo ay dad geeyaan.

Arrintaasi ayaa waxaa walaac xooggan ka muujiyay ganacsatada Soomaalida ee shirkadaha diyaaradaha ee ka kala shaqeyn jiray Muqdisho iyo Nairobi kuwaasoo hadda sheegaya in ganacsigooda uu wajahayo dhibaato dhaqaale.

Xassan Shafat Yuusuf oo kamid ah masuuliyiinta diyaaraddaha Freedom iyo Blue-Sky ee ka shaqeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhibaatada ay ganacsigoodii arrintaasi ku yeelatay waxaa uu uga warramay Wariyaha VOA-da ee Naiorbi Khadar Maxamuud Xareed.

Shirkado Soomaali ah oo cabasho ka muujiyey go'aan kasoo baxay Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:26 0:00


XS
SM
MD
LG