Shirkadda Microsoft Corp ayaa wada-hadallo kula jirta shirkadda ByteDance, si ay uga iibsato app-ka aadka loo isticmaalo ee TikTok, waxaa sidaas weriyey wargeyska New York Times.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah isku day loogu bad-baadinayo App-kan in laga mamnuuco dalka Mareykanka.
Mdaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay Jimcihii inuu TikTok ka mamnuuci doono Mareykanka, sida ugu dhaqsiyaha badan.
Hanjabaadda Trump ayaa timid kadb markii saraakiisha Mareykanka ay sheegeen in App-kan ay adeegsadaan sirdoonka Shiinaha – Sheegashadaas oo shirkadda ByteDance ay beenisay.
Iibka TikTok ee Microsoft ayaa saameynaya oo kaliya qeybta App-kan ee dalka Mareykanka, sida uu qoray New York Times.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa iyana qortay in ByteDance ay shirkado kale oo Mareykan ah u yaboohday inay ka iibiso howlgalladeeda Mareykanka, si shirkaddan looga badbaadiyo in laga mamnuuco Mareykanka.
Suuqa Mareykanka ayaa muhiim u ah TikTok, waxaana la rumeysan yahay in App-kan ay dalka Mareykanka ka isticmaalaan 100 milyan oo qof.
Shirkadda ByeDance ayaa waxaa lagu qiimeeyaa in ka badan 100 bilyan oo dollar.
AFP