Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran: Waxaan Xirnay Hogaamiye Mucaaradka Fadhigiisu yahay Mareykanka


Mas'uuliyiinta dalka Iran ayaa sheegay in ay xireen hoggaamiye ka tirsan koox mucaarad ah oo fadhigeedu yahay Mareykanka, kaasi oo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa weerarkii 2008-dii lagu qaaday masjid ku yaalla Shiraz ee lagu dilay 14 qof laguna dhaawacay in kabadan 200.

Wasaaradda Sirdoonka ee Iran ayaa sheegtay maanta in ay xirtay Jamshid Sharmahd oo ka tirsan kooxda mucaaradka ah ee lagu magacaabo Golaha Boqortooyada ee Iran (Kingdom Assembly of Iran) oo xarunteeduna tahay gobolka California ee Mareykanka.

Sharmahd ayaa la sheegay in uu madax u yahay garabka militariga ah ee loo yaqaan Tondar ee hoos yimaadda kooxdan mucaaradka ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in kooxda looga shakisan yahay in ay qorsheynayaan weeraro kale oo aan wali la shaacin. Warbixin laga baahiyay telefishanka dowladda Iran ayaan sheegin goorta iyo meesha Sharmahd lagu xiray.

Golaha Boqortooyada Iran ayaa ah koox raadineysa dib u soo celinta nidaamkii boqortooyo ee Iran ee ay baabi’isay dowladda Islaamiga ah ee dalkaasi.

AP iyo AFP

XS
SM
MD
LG