Kooxda gooni u goostada Yemen ayaa ka tanaasulay ku dhowaaqistoodii is-xukun ee koonfurta, waxayna ballan-qaadeen inay fulin doonaan heshiis uu ka shaqeeyey Sacuudiga.
Golaha Ku-meel Gaarka ah ayaa is-maamul ku dhowaaqay bishii April kadib markii ay dowladda dalkaas ku eedeeyeen inay ku guul darreysatay inay gudato waajibaadkeeda, islamarkaana ay ka shaqeysay “shirqool” ka dhan ah qadiyadda Koonfureed, taasi oo xiisad sii gelisay dalka dagaalka uu la degay ee Yemen.
Khilaafka dowladda iyo kooxda Koonfureed oo mar xulufo ahaa ayaa sii adkeysay dagaalka Yemen ee u dhaxeeya dowladda Sacuudiga uu taageero iyo mucaaradka Xuutiyiinta ee gacanta ka hela Iran.
Golaha Ku-meel Gaarka ah ayaa shalay ku dhowaaqay “inay ka tanaasulayaan is-xukunka ay ku dhowaaqeen” si loo fuliyo heshiis awood qeybsi oo loogu magac daray Heshiiska Riyadh, sida uu bartiisa facebook ku qoray afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Nizar Haitham.
Nizar ayaa qirtay in go’aankooda uu yimid kadib markii Sacuudiga iyo Imaaraadka ay saareen cadaadis xooggan si ay uga laabtaan go’aankooda.
Heshiiska Riyadh ee Sacuudiga uu ka shaqeeyey ayaa dhigaya in ra’iisul wasaraaha Yemen uu dowlad cusub kusoo dhiso 30 maalmood gudahood, islamarkaana uu barasaab iyo agaasime amni usoo magacaabo magaalada Cadan.
AFP