Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sisi oo sheegay habka ay Masar ku dhacsaneyso qeybteeda biyaha Nile


Abdel Fattah el-Sisi
Abdel Fattah el-Sisi

Madaxweynaha Masar Cabdulfatah Al-Sisi ayaa sheegay in dowladdiisa ay dariiqa wadahadalka u mareyso xiisadda biyo-xireenka Ethiopia, si Masar usoo dhacsato qeybtii ay ka laheyd nacfiga biyaha wabiga Nile.

Shacabka ku nool Masar oo gaaraya 100 milyan ayaa in ka badan 90% waxay noloshooda ku tiirsan tahay biyaha webiga Nile.

Hase yeeshee waxaa taas hadda halis gelinaya, sida ay Qaahira sheegtay biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameysay halka webiga Nile uu ka maro meel u dhow xuduudda Sudan, taasi oo Masar ay aad uga soo horjeesatay.

Wasiirka biyaha Ethiopia ayaa 15-kii July sheegay in Addis-Ababa ay billowday buuxinta biyo-xireenka, maalin kadib markii ay burbureen wada-hadalladii kala dhaxeeyey Masar iyo Sudan.

Warbixintan waxaa Qaahira kasoo diray Xuseen Cusman Saxnuuni.

Sisi oo sheegay habka ay Masar ku dhacsaneyso qeybteeda biyaha Nile
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:23 0:00


XS
SM
MD
LG