Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisadda Mareykanka iyo Shiinaha oo ka dartay kadib tallaabooyin ay qaadeen


Xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka ayaa sii xumaanayey waayadan, iyadoo toddobaadkii horena ay xaaladdu cirka isku shareertey markii ay labada dalba xireen qunsuliyadaha midba kan kale uu ku leeyahay magaalooyin ku kala yaalla Shiinaha iyo Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa amartay in Shiinaha uu xiro qunsuliyadda uu ku leeyahay magaalada Houston, ayada oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ay sheegtay in taas looga gol leeyahay in la ilaaliyo hantida aqooneed iyo xogta gaarka ah Mareykanka.

Beijing ayaa iyana dhankeeda ku jawaabtay inay amartay in la xiro qunsuliyadda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Chengdu ee dalkaas.

Xiisaddan cusub waxa ay ku soo beegmeysaa sidoo kale xili la isku diyaarinayo doorashada madaxweynaha ee bisha November ee sanadkan ka dhaceysa Mareykanka.

Arrimahaas ayey Falastiin Axmed Iiman ka wareysatey Faysal Deri oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka kuna sugan Minnesota ugu horeyna waxa ay weydiisey bal sida ay hadda xaaladdu tahay?

Xiisadda Mareykanka iyo Shiinaha oo ka dartay kadib tallaabooyin ay qaadeen
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:06 0:00



XS
SM
MD
LG