Booliska qaranka Kenya ayaa xiray laba sarkaal islamarkaana furay baaritaan kadib “dhacdo toogasho” oo ka dhacday magaalada Gaarisa, sida booliska uu maanta sheegay.
Hay’adda madaxa-banaan ee korjoogteynta booliska ee loo soo gaabiyo IPOA, oo u xil saaran baarista falalka arxan-darroo ee booliska, ayaa sidoo kale baarayaal u dirtay Gaarisa.
Booliska qaranka ayaa sheegay in labada sarkaal la xiray kadib toogasho laba qof lagu dilay oo ka dhacday suuqa Soko Ng’ombe ee Gaarisa, islamarkaana baaraha guud uu amray baaritaan.
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo laga soo doorto Gaarisa ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku sheegay in booliska ay Sabtidii toogasho ku dileen Aden Abdi Madobe iyo Muhiyadin Adow Shibin, intii lagu guda jiray “howlgal xarig”.
Ololeeyayaasha caalamiga ah ayaa horey walaac uga muujiyey hab dhaqanka booliska Kenya inta lagu guda jiro xayiraadaha loo soo rogay cudurka Coronavirus dartiis.
Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in booliska Kenya ay sanadkan 2020 gudihiis dileen ugu yaraan 100 qof, kuwaasi oo 21 ka mid ah dilalkooda ay la xiriiraan in la jebiyey amarada COVID-19 sida bandowga iyo xirashada maaskaraha.
REUTERS