Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey iyo Greece oo isku Khilaafsan Masjid ka Dhigista Hagia Sophia


Hagia Sophia oo ay Muslimiintu salaadda Jimcaha ku oogayaan.

Turkiga iyo Giriiga ayaa Sabtida maanta ah is-dhaafsaday ereyo ad-adag oo ku aaddan tallaabada dhismaha Hagia Sophia dib looga dhigay Masjid, maalin uun kadib markii salaadda lagu oogay goobtan markii u horeysay ee muddo ku dhow 90 sanadood.

Dhaleecaynta Giriiga ee tallaabada looga beddelay goobta iney madxaf sii ahaato ayaa noqotay mid adag, taasi oo hoosta ka xariiqeysa xiriirka aadka u liita ee ka dhexeeya dalalka Giriiga iyo Turkiga.

Dawan murugo xanbaarsan ayaa Jimcihii laga yeeriyey Kaniisadaha dalka Giriiga, xilli uu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku biiray salaadda ay Muslimiitu ku tukanayeen dhismaha Aya Sofya ee magaalada Istanbul.

“Greece waxa ay mar kale muujisay cadowtooyada ay u qabto Islaamka iyo Turkiga, iyada oo marmarsiiyo ka dhiganaysa Masaajidka Hagia Sophia oo loo furay salaadda,” ayuu qoraal uu maanta soo saaray ku sheegay Hami Aksoy oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkey.

Wasaaradda ayaa si kulul u cambaareysay hadallada cadaawadda leh ee ay soo jeediyeen dowladda Gariiga iyo xubnaha baarlamaanka dalkaasi si ay u kiciyaan shacabka, iyadoo calanka Turkiga lagu gubay magaalada Thessaloniki ayaa lagu sheegay qoraalka wasaaradda.

Hagia Sophia waxaa loo furay salaadda Muslimiinta cibaadeysanaya, iyadoo ay taasi la jaanqaadeyso rabitaanka shacabka Turkiga, waxaana dhismahan leh dalka Turkey sida xarumha kale ee dhaqankaba, ayaa lagu xusay qoraalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Greece oo qoraal jawaab ah soo saartay ayaa sheegtay in “beesha caalamka ee qarnigan 21-aad ay la yaaban tahay iney arkaan ficillada xagjirka diineed iyo kuwa wadaniyadeed ee maanta ka jira dalka Turkiga.”

Munaasabaddii Salaadda Jimcaha ee Hagia Sophia ayaa suurtogelisay hammigii Erdogan ee dib ugu soo celinta in muslimiinta ay ku cibaadeystaan goobtan, oo inta badan dadka reer Greece ay u arkaan mid udub dhexaad ah diintooda.

Giriiga iyo Turkiga ayaa isku khilaafsan arrimo dhowr ah oo kala duwan, waxaana ay u kala gosyteen Qubrus qaab isir ku saleysan. Toddobaadkan ayay sidoo kale isweydaarsadeen hadallo kul-kulul oo ku saabsan aag ku yaalla bariga badda Mediterranean ka, oo loo maleynayo in uu ka buuxo Kheyraadka dabiiciga ah.

REUTERS

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG