Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Sirdoonka oo ka Digay in Russia Faragaliso Doorashooyinka


Madaxa Hay’ada Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Mareykanka ayaa ka digay in Russia, China, Iran iyo wadamo kale ay isku dayayaan in ay farageliyaan ololeyaasha siyaasadda ee loogu jiro doorashada madaxtinimada ee lagu wado in la qabto 3-da bisha November ee sanadkan.

William Evanina ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in wadamada ay Mareykanka is hayaan ay isku dayayaan in ay farageliyaan wadahadallada gaarka ah ee ololayaasha siyaasadda, musharixiinta iyo bartilmaameedyada kale ee siyaasadda.

Hadaba, Mareykanka muxuu ka bartey doorashadii 2016-kii? Sideese ugu diyaarsan yahay in uu ka hor tago isku-day faragelin kale oo xiligan timaadda?

Falastiin Axmed Iiman ayaa warbixintan inooga diyaarisay.

Warbixin: Doorashada Madaxtinimada Mareykanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:58 0:00


XS
SM
MD
LG