GAARISA —
Xerada qaxootiga ee Dhahaab ee dalka Kenya ayaa waxaa kusoo badanaya dhallinyarada da’da yar ee is-guursanaya ama la isku guurinayo ayaga oo dhiganaya iskuullada.
Dhallinayaradan ayaa waxaa ku jira qaar aad u da’ yar oo weli dhigta iskuullada dugsiyada hoose iyo dhexe.
Badankood ayaa sheegaya in guurka ay ku galeen rabitaan ka yimid dhanka waalidka, ayagana ay aqbaleen si aysan uga hor-iman waalidka
Dhallinayradan ayaa sheegay inkastoo ay xaaladdaasi tahay mid adag, ay haddana isku wadaan iskuuladii iyo reer dhaqashada, oo guurka aanu ka hor-istaagin waxbarashada.
Maxamed Faarax Shire ayaa warbixintan kasoo diray Gaarisa.
Facebook Forum