Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaalida Minnesota oo dhigay isu soo bax ka dhan ah maandooriyaha


Minneapolis
Minneapolis

Isku soo bax ay soo abaabuleen qaar ka mid ah waalidiinta Soomaalida ee ku dhaqan gobolka Minnesota, ayaa shalay ka dhacay magaalada Minneapolis, si bulshada loogu baraarujiyo maandooriyeyaasha halista ku haya dhalinyarada, iyo doorka ay jaaliyaddu ka qaadan karto sidii wax looga qaban lahaa.

Dibad-baxa ayaa yimid xilli gobalka Minnesota ay kusii kordhayaan dhallinyarada isticmaasha daroogada laga sameeyo kaniiniyada la isku qaso, ee naftoodu ay halista u galayso.

Isbitaalka Hennepin ee magaalada Minneapolis, ayaa todobaadkii hore waxaa la dhigay 7 dhallinyaro ah oo aad ugu xanuunsaday isticmaalka maandooriyayaha, ayadoo laba ka mid ahna ay geeriyoodeen.

Wariyaha VOA Maxamuud Mascadde ayaa banaanbaxaasi kadib la kulmay qaar ka mid ah jaaliyadda gobolka, wuxuuna soo diray warbixintan.

Soomaalida Minnesota oo dhigay dibadbax ka dhan ah maandooriyaha
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:40 0:00


XS
SM
MD
LG