Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali walaac ka muujisay go'aanka dowladda Sacuudiga


Kaaba hajj

Kumanaan muslimiin ah oo ku nool dalka Kenya ayaa sanadkaan aad uga walaacsan saamaynta uu cudurka Coronavirus uu ku yeeshay Xajka sanadkan, oo dowladda Sacuudiga ay sheegtay inaan loo ogolaan doonin dadka dibedda.

Dadka saamayntaasi dareemaya waxaa ka mid ah boqolaal Soomaali ah oo ku nool caasimada dalka Kenya ee Nairobi kuwaasoo bilihii lasoo dhaafay diyaar garoow ugu soo jiray inay sanadkaan soo gutaan xajka balse loo sheegay in sanadkaan ay dowladda Sacuudiga ay joojisay dadkii adduunka uga imaan lahaa Xajka.

Dowladda Sacuudiga ayaa go’aankeeda sabab uga dhigtay faafitaanka cudurka Coronavirus oo si weyn u saameeyey dalkaas iyo guud ahaan caalamka.

Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Nairobi.

Soomaali walaac ka muujisay go'aanka dowladda Sacuudiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:45 0:00


XS
SM
MD
LG