Isku xirrada

War Deg-Deg ah

John Lewis oo ahaa Halgamaa Xuquuqda Madaniga ah oo Geeriyooday


John Robert Lewis, oo ahaa hogaamiye u dooda xuquuqda madaniga ah ee bulshada madow ee Mareykanka, islamarkaana muddo dheer ka mid ahaa xubnaha Koongareeska Mareykanka, ayaa geeriyooday isaga oo ahaa 80 jir.

Xildhibaankan rug-cadaaga ah ayaa geeriyooday Jimcihii ka dib muddo sanad ah oo uu la tacaalayay cudurka kansarka.

Afhayeenka Golaha Wakiillada ee Mareykanka Nancy Pelosi oo gor danbe oo habeenkii xalay ahaa xaqiijisay geeridiisa ayaa sheegtay in “John Lewis ay maalin kasta ka go’neyd in uu u horseedo xorriyad iyo caddaalad dhammaan bulshada.”

Hogaamiyaha Aqalbiyadda ee Aqalka Senate-ka Mitch McConnell ayaa isna Lewis ku tilmaamay hogaamiye kaalin mug leh ka qaatay xuquuqda madaniga, naftiisana u huray sidii uu ula dagaallami lahaa midab-takoorka.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa yiri “siyaabo badan, John noloshiisu waxa ay ahayd mid aan caadi ahayn. Laakiin waligiis ma rumeysanin in waxa uu sameeyay ay yihiin wax ka badan waxa uu muwaadin kasta oo dalkan jooga sameyn karay. Wuxuu rumeysnaa in dhammaanteen ay nagu jirto karti weyn oo geesinimo, iyo doonista si aan u sameeyno waxa saxda ah.”

John Lewis ayaa sanadihii 1950-1960-kii caan ku noqday in uu u dhaqdhaqaaqo xuquuqda madaniga ah ee dadka African American-ka ah. Isaga oo ah 23 jir ayuu la shaqeeyay Martin Luther King oo ahaa halgamaa u doodi jiray xuquuqda dadka madow, wuxuuna ahaa ninkii ugu da' yaraa ee lix nin oo u soo halgantay xuquuqda madaniga ah ee dadka madow ee Mareykanka uuna hogaaminayay Martin Luther King Jr.

Dagaalkiisii xuquuqda madaniga ah ee dadka madow ayaa u horseeday John Lewis in uu qeyb ka noqdo goleyaasha siyaasadda.

Sanadkii 1981-kii ayaa loo doortay inuu ka mid noqdo golaha deegaanka ee magaalada Atlanta. Sanadkii 1986-kii ayaa loo doortay inuu degmada shanaad ee gobolka Georgia ku matalo Koongareeska Mareykanka, isaga kursigaas ku fadhiyay illaa dhimashadiisa.

Lewis ayaa intii uu Koongareeska ka mid ahaa u halgamay sinnaanta dakhliga ee dadka laga tirada badan yahay, dib u habeynta hannaanka garsoorka, iyo daryeelka caafimaadka dadka oo dhan.

Billadda Madaxwaynaha ee Xorriyadda oo ah tan ugu saraysa ee la siiyo dadka rayidka ah ayaa waxaa sanadkii 2011-kii guddoonsiiyey Madaxweyne Barack Obama.

Inta uusan dhiman, Lewis ayaa taageeray madaxweynke ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden in uu noqdo musharraxa xisbiga Dimuqraadiga.

Mid ka mid ah hadalladiisii ugu danbeeyey ayuu ku yiri “ma doonayo inaan arko Madaxweyne Trump oo baabi’inaya hormarkii aan dagaalka adag u soo galnay.”

XS
SM
MD
LG