Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cinwaanada twitter ee shakhsiyaad caan ah oo la jabsaday


Biden and Bill Gates
Biden and Bill Gates

Twitter ayaa baareysa jabsasho lagu sameeyey cinwaanada shakhsiyaadka ugu caansan dunida, kuwaas oo ay qabsadeen tuugo la rumeysan yahay inay beegsadeen dadka ka shaqeeya twitter-ka si ay taas ugu guuleystaan.

Qoraallo la isku dayey in dadka lagu weydiisto inay soo diraan lacagaha digital-la ee loo yaqaan cryptocurrency ayaa lasoo dhigay cinwaanada twitter ee shirkado ay ka mid yihiin Apple iyo Uber, iyo shaqkhsiyaad ay ka mid yihiin Barack Obama, Bil Gates, Joe Biden, Kanye Waste iyo xubno kale.

“Waxaan ogaanay wax aan rumeysannahay inay yihiin weeraro isku xiran oo ay qaadeen shakhsiyaad beegsaday qaar ka mid ah shaqaalaheena si ay u usoo galaan habka twitter-ka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay twitter.

“Waxay awood u yeesheen inay la wareegaan cinwaanada dad baan oo caan ah,” ayuu intaas ku daray qoraalka Twitter-ka.

Qaar ka mid ah qoraallada dadka lagu qiyaameynayey oo markii dambe la tiray ayaa dadka lagu weydiistay inay 30 daqiiqo gudahood kusoo diraan 1,000-dollar oo lacagta bitcoin ah, si ay u helaan laba jibaar taas.

12.58 bitcoin - oo u dhigantay 116,000 dollar – ayaa lagu diray emaillada lagu qeexay qoraallada dadka lagu qiyaameynayey, sida uu sheegay website-ka Blockchain.com, oo la socda is-weydaarsiga lacagaha crypto.

“Waxa uu ahaa maalin aad ugu adag twitter,” ayuu qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri Jack Dorsey, oo ah madaxda shirkadda twitter.

Cinwaanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ay ku xiran yihiin 83 milyan oo qof, kama mid ahayn kuwa la jabsaday.

Twitter ayaa markii dambe ku guuleysatay inay dib usoo celisay cinwaanada la jabsashaday, hase yeeshee waxaa weli socda baaritaan.

AFP

XS
SM
MD
LG