Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maamulka Trump oo ka laabtay go'aan ka dhan ahaa ardayda Ajaaniibta


Hay’adda Dhaqan-galinta Socdaalka iyo Kastamada Mareykanka ayaa dhawaan ardayda ajaanibta ah u sheegtay in ay dalka ka baxaan haddii fasalada jaamacadihii ay dhiganayeen ay ku baxaan habka online-ka, kuwaas oo dalalkoodii ku qaadan karaan.

Jaamcado dhowr ah ayaa dacweeyey oo maxkamad la tiigsaday dawladda Maraykanka, ayaga oo sharci-darro ku tilmaamay go’aanka maamulka madaxweyne Trump.

Si kastaba, dowladda ayaa shalay ka laabtay qorshihii ahaa inay Visa-ha kala laabto arday ajaaniibta ah, sida uu sheegay xaakim maxkamadeed oo qaadayey dacwadda.

Haddaba maxay salka ku haysaa doodda Hay’adda Socdaalka iyo Kastamada Maraykanka iyo Jaamacadaha dalka. Waxaa ka jawaabaya Dr. Ismaaciil Xasan oo bare ka ah Jaamacadaha St. Mary’s iyo Metropolitan State ee gobolka Minnesota.

Maamulka Trump oo ka laabtay go'aan ka dhan ahaa ardayda ajaaniibta
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:06 0:00


XS
SM
MD
LG