Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Walaac laga qabo dhallinyarada Soomaalida ee daroogada isticmaala


Waxaa isa soo taraya walaaca ay bulshada Soomaaliyeed ee Gobalka Minnesota ee dalkan Maraykanka ka qabto adeegsiga maandooriyaha ee kusoo badanaya dhallinyarada Soomaalida ee gobolka daggan.

Maandooriyeyaasha ayaa ah kuwo laga sameeyo kaniiniyo la isku dardaray, iyo sidoo kale kuwo kaniiniyo aad u culus oo ay dhaqaatiirtu siiyaan oo kaliya bukaanada uu hayo xanuunka xad dhaafka ah kuwaasoo ay dhallinyaradu ku hesho hab suuq madow ah.

Isbitaalka Hennepin ee magaalada Minneapolis, ayaa todobaadkan waxaa la dhigay 7 dhallinyaro ah oo aad ugu xanuunsaday isticmaalka maandooriyayaha, ayadoo laba ka mid ahna ay geeriyoodeen.

Waalidiinta ayaa hadda billaabay inay fiiro gaar ah u yeeshaan carruurtoda qaangaarka ah sida ay warbixintan ku faah-faahineyso Caasho Ibraahim.

Minnesota: Walaac sii kordhaya oo laga qabo dhallinyarada Soomaalida ee daroogada isticmaala
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:09 0:00


XS
SM
MD
LG