Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Zindzi Mandela, gabadhii Nelson Mandela, oo geeriyootay


Zindzi Mandela, oo ahayd gabar ay dhaleen hogaamiyeyaashii la dagaalanka midab takoorka ee South Afrika Nelson iyo Winne Mandela, ayaa ku dhimatay magaalada Johannesburg, waxayna ahayd 59 sano jir.

Telefishinka dowladda ee SABC ayaa sheegay in Mandela ay ku dhimatay isbitaal ku yaal caasimadda South Afrika, laakiin ma uusan sheegin waxa sababay dhimashadeeda.

Geerida Mandela ayaa waxaa xaqiijiyay xisbiga talada haya ee African National Congress, kaasi oo aabaheed hogaamiyay waqtigii halgankii lagaga soo horjeeday xukunkii midab-kala-sooca ee bulshada laga badan yahay ee Caddaanka ah ee Koonfur Afrika, isagoo ka dibna noqday madaxweynihii u horreeyey ee madow ah ee dalkaasi.

Zindzi ayaa caanbaxday sanadkii 1985-kii ka dib markii ay aqrisay warqad ka timid aabeheed oo uu ku diidayay dalab uu Madaxweynihii xiligaasi P.W. Botha uu ku soo jeediyey in Mandela uu xorriyaddiisa ku bedesho dhaleeceynta rabshadaha wax iska caabinta ahaa ee ANC ay kala soo horjeeday nidaamkii midab kala sooca ahaa.

Mandela ayaa hadda ahayd safiirka South Africa u fadhisa Denmark.

XS
SM
MD
LG