Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xuutiyiinta oo weeraray xarun saliidda laga soo saaro oo ku taalla Sacuudiga


Ciidamada Xuuthiyiinta Yemen ayaa duqeeyay xarun weyn oo saliid ah oo ku taalla gobolka Jizan ee koonfurta boqortooyada Saudi Arabia, iyadoo afhayeenka militariga ee kooxdu uu Isniinta maanta ah sheegay in gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay u adeegsadeen duqeyntan oo dhacday habeenkii xalay.

Isbahaysiga uu Sacuudigu hogaamiyo ee dagaalka kula jira Xuuthiyiinta Yemen ayaa horey u sheegay in ay hawada ka qabteen islamarkaana burburiyeen afar gantaal iyo lix diyaaradaha droneska oo ay walxaha qarxa ka buuxeen kuwaasi oo ay kooxda Xuuthiyiintu ku weerareen dhinaca xadka Saudi Arabia.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Sacuudiga oo xaqiijinaya haddii ay gantaalahan qabteen ama haddii ay ku dheceen goobihii la bartilmaameedsaday.

Shirkadda saliidda ee Aramco ayaa ka howlgasha magaalada Jizan ee ku taalla Badda Cas islamarkaana 60 km u jirta xadka Yemen, waxaana halkaasi laga soo saaraa maalintii ilaa 400,000 oo foosto oo saliid ah. Aramco ayaa diiday in ay ka hadasho weerarkan.

Weerarrada xuduudda ah ee ay qaaddo kooxda Xuuthiyiinta ee xulafada la ah Iran ayaa sii kordhayay illaa dhamaadkii bishii May, kolkaasi oo ay dhammaatay xabad-joojin loogu dhawaaqay sababo la xiriira cudurka COVID-19. Dabayaaqadii bishii June, gantaalo laga soo riday dhanka Yemen ayaa gaaray caasimadda Riyadh.

Qoraalka uu soo saaray Isbaheysiga Sacuudiga oo ay daabacday wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, ayaan sheegin halka lagu qabtay gantaalahan, laakiin waxa ay sheegeen in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn laga soo ganay goobaha ee Xuuthiyiintu maamulaan ee magaalada Sanca.

XS
SM
MD
LG