Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhallinyaro Soomaali ah oo daroogo ugu dhimanaya Minnesota


Gobalka Minnesota ee dalkan Maraykanka waxaa ku soo badanaya isticmaalka maandooriyeyaasha laga sameeyo kaniiniyada la isku qaso, waxaana sii kordhaya tirada dhallinyarada Soomaaliyeed ee naftoodu ay halista u galayso.

Isbitaalka Hennepin ee magaalada Minneapolis, ayaa todobaadkan waxaa la dhigay 7 dhallinyaro ah oo aad ugu xanuunsaday isticmaalka maandooriyayaha, ayadoo laba ka mid ahna ay geeriyoodeen.

Haddaba dhibaatada ay maandooriyaha uu ku hayo dhallinyarada Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa Maxamuud Mascadde uu ka wareystay Axmed Xirsi oo u dhaqdhaqaaqa danaha bulshada Soomaalida Minnesota, gaar ahaan arrimaha dhalinyarada.

Ugu horreynna waxa uu waydiiyay bal inuu faahfaahiyo dhalinyarada u dhimatay iyo kuwa isbitaaladau yaalla maandooriyayaasha dartood?

please wait

No media source currently available

0:00 0:08:51 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG