Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu danbeeyey ee debed-baxyada Mali


Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay bannaanbax ka socda caasimadda dalka Mali, oo ay mudaaharadaayaashu ku doonayaan in ay kula wareegaan dhismayaasha muhiimka ah ee dowladda, iyagoo dalbanaya in uu iscasilo Madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita.

Keita oo ah 75 ayaa qoraal uu soo saaray ku canbaareeyey “khasaaraha naf iyo maalba leh” ee uu mudaaharaadku sababay.

Telefishanka dowladda Mali ayaa hawada ka baxay wax yar ka dib markii ay dad aad u badan oo mudaaharaadayay ay isugu soo baxeen bannaanka hore ee xarunta warbaahinta qaranka ee ORTM.

Muuqaal Laanta Bambara ee VOA ay ka qaadday caasimada, Bamako, ayaa muujinaya dadweyne lagu qiyaasay tobannaan kun oo isugu soo baxay bannaanka dhismaha golaha shacabka, iyagoo dalbanaya in Keita uu is casilo.

Ciidamada ayaa sidoo kale lagu soo waramay in gaaska dadka ka ilmeysiiya ay adeegsadeen iyadoo debedbaxayaashuna ay dhagax ku tuurayeen xarunta baarlamaanka.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay agagaarka xarumaha baarlamaanka iyo warbaahinta dowadda.

Bannaanbaxan ayaa ah kii saddexaad ee ay dhigaan dadka reer Bakamo labadii bilood ee la soo dhaafay.

Hogaamiyeyaasha banaanbaxyada ayaa ugu baaqay taageerayaashooda in ay la wareegaan dhismayaasha dowladda, si taasi ay ugu qassabto Keita in uu is-casilo maadaama uu ku guuldareystay in uu dib u habeyn siyaasadeed ka hergeliyo dalkaasi.

Keita, oo talada la wareegay sanadkii 2013-kii ayaa in muddo ahba wajahayay dhaleecayn culus oo ku aadan in uu ku guuldareystay in uu soo afjaro kacdoonka ay dalkaasi ka wadaan kooxaha jihaadiyiinta ah iyo in uu ku fashilmay hormarinta dhaqaalaha dalka.

XS
SM
MD
LG