MINNEAPOLIS —
Goddoomiyaha Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka Tim Walz ayaa booqday Suuqa Soomaalida ee Magaalada Minneapolis ee lagu magacaabo 24-ka.
Booqashada waxaa Guddoomiyaha ku wehliyay Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan maamulka Gobolka oo Soomaali ah.
Ujeeddada Socdaalka Gudoomiyaha ayuu wariyaheenna Maxamuud Macadde ka wareystay Xamse Warfaa, oo ah wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqo-abuurka iyo Kobcinta Dhaqaalaha ee gobolka.