Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Wiil Soomaali ah oo sameeyey App waxbarasho


Cabdinuur Cali Mahdi
Cabdinuur Cali Mahdi

Cabdinuur Cali Mahdi oo ah wiil dhallinyaro ah oo kasoo jeeda Gobbolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sameeyay Application carruurta ka caawinaya in ay si fudud wax u bartaan.

Cabdinuur ayaa sheegay in samaynta Application-ka ay ku dhalatay kadib markii uu arkay baahi dhanka tacliinta oo ka jirta gobbolka Waqooyi Bari Kenya.

App-kan oo bilaa Internet ku shaqeynaya islmarkaana lagu turjumay ilaa 20 luuqadood ayaa waxaa uu ardayda dalkaasi Kenya ka caawinaya inay ka helaan cashirada iyo macluumaadka ku saabsan daruusta ay baranayaan.

Cabdnuur Cali Mahdi oo ah ninka soo bandhigay App-ka ayaa magaalada Nairobi ugu warramay Wariyaha VOA-da Khadar Maxamuud Xareed.

Wiil Soomaali ah oo sameeyey App waxbarasho
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:25 0:00



XS
SM
MD
LG