Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minneapolis: 7 qof oo Soomaali ah oo hal kursi ku tartamaya


Minneapolis

11 musharrax oo 7 ka mid ah ay Soomaali yihiin ayaa isku diyaarinya doorasho gaar ah oo ay ugu tartamayaan kursi golaha deeggaanka Minneapolis ka tirsan oo hore uu isaga casilay Cabdi Warsame oo imika hoggaamin doona hay’adda guryaha dadweynaha ee Minneapolis.

Dadka degan Minneapolis qaarkood ayaa welwel ka muujiyay in musharrixiintan badan ee Soomaalidu ay keeni karto in kursigaasi laga dhex bixiyo oo uu gacanta Soomaalida ka baxo.

Sababta loogu maleynayo in kursiga Soomaalida ay weyn karto ayaa ah ayada oo ay suurta-gal tahay in codadka dadka Soomaalida ee magaalada degan ay u kala qeybsamaan toddobada musharax, halkaasna qof kale oo aan Soomaali ahayn uu kursiga ka qaato.

Hashi Shafi, waa madaxa Somali Action Alliance, Maxamuud Mascadde ayaa weydiiyay sababta ay Soomaali badan kursigan ugu tartamayaan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:32 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG