Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada dhimashada rabshadaha Ethiopia oo gaartay 239


Ethiopia
Ethiopia

Tirada dhimashada banaan-baxyadii iyo rabshadahii qowmiyadeed ee ka dillaacay Ethiopia toddaabdkii lasoo dhaafay, kadib dil loo geystay heesaa caan ahaa oo ka soo jeeday qowmiyadda Oromada, ayaa gaartay 239, sida lagu sheegay tirokoob ay sameeyeen booliska.

Hachalu Hundessa, oo ahaa hees halyey iyo cod u ahaa Oromada, oo isu arka inay yihiin dad la liiday, ayaa waxaa toogtay rag aan la garaneyn maalintii Isniinta ee toddobaadkii hore, taasoo sii hurisay xiisado qowmiyadeed oo halis gelinaya xaaladda kala-guurka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Mudaaharaadyo ayaa ka qarxay caasimadda Addis Ababa iyo gobolka ku xeeran ee Oromia, oo ah halka ay ku badan yihiin qowmiyadda ugu tirada badan dalka ee Oromada, kuwaas oo mudo dheer dareemayey in dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba la liiday.

Saraakiisha ayaa u sababeynaya dhimashada laba arrin oo isbiirsaday oo kala ah’ awood ay adeegsadeen ciidamada amniga iyo rabshadaha ka dhex dhaca qowmiyadaha.

"Sababo la xiriira rabshado ka dhacay gobolka, sagaal sarkaal oo boolis ah, shan ka tirsan maleeshiyaadka iyo 215 qof oo rayid ah ayaa naftooda waayey," waxaa sidaas yiri ku-simaha taliyaha booliska gobolka Oromia Mustafa Kedir oo telefishanka ka hadlay Arbacadii.

Booliska magaalada Addis Ababa ayaa markii hore tirada dhimashada ee caasimadda ku sheegay 10 qof, hase yeeshee, tiradaas ayaa iminka waxaa ku kordhay 166 qof oo dhintay Sabtidii.

Mustafa waxa kale oo uu sheegay inay jiraan “burburin ballaaran iyo bililiqeysi" loo gaystay hanti dowladeed iyo mid gaar loo leeyahay.

"Si loo xakameeyo rabshadahaan in ka badan 3,500 oo tuhmanayaal ah ayaa la qabtay. Waxay ahaayeen xubno ka soo horjeeda nabadda, kuwaasi oo fuliyey weerarro iyagoo qiil ka dhiganaya geerida heesaaga, si ay awood ugu burburiyaan nidaamka dastuuriga ah," ayuu yiri Mustafa.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in dilkii Hachalu iyo qalalaasihii xigay ay qayb ka ahaayeen shirqool xasillooni darro looga abuurayo Ethiopia.

AFP

XS
SM
MD
LG