Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabar Soomaali ah oo 'xadgudub' loogu gaystay Starbucks ku yaalla Minnesota


Gabar Soomaali ah oo deggan gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa magaca Kooxda ISIS loogu qoray cabitaan ay ka dalbatay maqaayadda Starbucks ee ku dhex taalla dukaanka wayn ee Target ee magaalada St. Paul ee caasimadda gobalka.

Gabadhan oo magaceeda ku koobtay Caa’isha iyo hay’adda CAIR ee u doodda xuquuqda muslimiinta Mareykanka oo shir ja’raaid wada qabtay, ayaa si kulul u dhaleeceeyay maamulka Target oo ay sheegeen inay dafireen xadgudubka loo gaystay Caa’isha.

Caa’isha iyo CAIR ayaa ku baaqay in shaqaalihii cabitaanka ku qoray ISIS shaqada laga eryo.

Wariyaha VOA Maxamuud Mascadde, oo shirka jaraa’id goob joog ka ahaa ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Minneapolis.

Gabar Soomaali ah oo 'xadgudub' loogu gaystay Starbucks ku yaalla Minnesota
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:33 0:00


XS
SM
MD
LG